Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa shir degdeg ahi isugu yeeray hay’adaha amniga, ka dib dhacdadii maanta ka dhacday Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Ra’iisal Wasaaraha o shir guddoomiyay Shirka Amniga Caasimadda ayaa hay’adaha ammaanka faray in la dardargeliyo suggidda amniga, xiligaan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadan.
Dhanka kale Ra’iisal Wasaaraha ayaa faray Wasaaradda Amniga in tallaabo degdeg ahi laga qaado, sharcigana la horkeeno kuwii ka dambeeyay dhacdadii maanta ka dhacday Garoonka Aadan Cadde, taas oo muuqaal aan wanaagsanayn ka bixineysay xaaladda dalka.
Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa war uu soo saaray waxaa uu shacabka Soomaaliyeed kaga codsaday inaanay buun-buunin dhacdooyinka wax u dhimaya muuqaalka dalka.











Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com