RW Rooble oo amray in la baaro dhacdadii Garoonka Aadan Cadde

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa sheegay inaanan la aqbali karin shaqaaqadii maanta ka dhacday Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Shaqaaqadan gacan ka hadalka ayaa u dhaxeysay Ciidanka Dharcadka ee Hay’adda Nabad Suggida iyo Saraakiisha Laanta Socdaalka, taasoo sababtay in ay daantaan muraayadihii qaybta lagu qaabilo dadka ka soo degga garoonkaasi.

Shaqaaqadan ayaa la aaminsan yahay inay ka dambeysay, ka dib markii Ciidanka Dharcadka ay Arbacadii shalay isku dayeen inay xoog garoonka kaga soo sii daayaan dad ajnabi ah, oo Saraakiisha Laanta Socdaalka dalbadeen in la hubiyo, lana ogaado cidda ka damiinka ah, ka hor inta aan magaalada lagu sii deyn.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa faray Wasiirka Amniga iyo hay’adaha ammaanka inay baaritaan degdeg ahi ku sameeyaan shaqaaqadaaasi, sharcigana la horkeeno ciddii ku lugta laheyd.

Dhacdadan ayaa noqotay midda loogu hadalhaynta badan yahay ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com