Wariye Cali Nuur Cayn oo lagu xiray Koonfurta Gaalkacyo

Ciidamada Booliska ayaa xalay Magaalada Gaalkacyo ku xiray Iskuduwihii Wasaaradda Warfaafinta Gobolka Mudug ee Galmudug, Cali Nuur Cayn.

Ciidamada Booliska ayaa ninkaasi ka qabtay Magaalada Gaalkacyo, iyagoona ku xiray Saldhigga Booliska ee Koonfurta Gaalkacyo.

Ma cadda waxa keenay xariga Cali Nuur Cayn oo ka tirsanaa Wariye-yaasha Gobolka Mudug, balse haatan ka tirsan Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta ee Galmudug.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Cali Nuur lagu haysto war uu ka qoray Ciidamada Booliska.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa wajahaya cadaadis kaga imaanaya bahda Warbaahinta, loogana dalbanayo sii deynta ninkaasi.

Wasiir Falagle ayaa siyaabooyin kala duwan Wariye-yaasha ugu sheegay inay is dejiyaan, isla-markaana ay socdaan dadaalo xabsiga looga soo sii deynayo ninkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com