Wasiirka Amniga oo ka warbixiyay dhacdadii Garoonka Aadan Cadde

Wasiirada Amniga iyo Gaadiidka oo ay wehliyaan Madaxda Hay’adaha ka hawlgala Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa kulan degdeg ahi ka yeeshay shaqaaqadii maanta ka dhacday garoonkaasi.

Wasiirka Amniga Somaliya, Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano ku aaddan shaqaaqada ka dhacday gudaha Garoonka Aadan Cadde.

Wasiirka ayaa sheegay inaanay marnaba Dowladda Federaalka raali ka ahayn dhacdadii Garoonka Aadan Cadde, isla-markaana ay tallaabo degdegi ahi ka qaadi doonto, cid walboo ku lug laheyd.

“Falkii maanta ka dhacay garoonka waxaa u ahaa mid taabtay shacabka Soomaaliyeed, waxaana la samayn doonnaa baaritaan la xiriira arrinkaas, iyadoo wax laga weydiin doono hay’adaha ay khuseyso dhacdadii maanta dhacday.” Ayuu yiri Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka.

Dhacdadan ayaa hadalhayn badan ka dhex dhalisay bulshada Soomaaliyeed, waana xilli dalka uu ka jiro xiisadda ka dhalatay muddo kordhinta Hay’adaha Dowladda Federaalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com