Booliska Galmudug oo xabsiga ka sii daayay Wariye Cali Nuur Cayn

Ciidanka Booliska Galmudug ayaa xalay xabsiga ka sii daayay Iskuduwihii Wasaaradda Warfaafinta Gobolka Mudug ee Galmudug, Cali Nuur Cayn.

Cali Nuur Cayn ayaa habeenkii Arbacada laga qabtay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, iyadoona ay ciidamadu ku xireen Saldhigga Booliska ee Koonfurta Gaalkacyo.

Dadaalo ay sameeyeen dhinacyo kala duwan ayaa horseeday in dib uu xorriyadiisii u helo Cali Nuur Cayn, Iskuduwaha Wasaaradda Warfaafinta Gobolka Mudug ee Galmudug, horeyna uga tirsanaa Saxafiyiinta gobolkaasi.

Cayn ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay “Waxaan guud ahaan u mahadcelinayaa walaalihii iyo saaxibadii sida hagar la’aanta ah uga qayb qaatay in aan xorriyadayda helo, guud ahaan dadka fariimaha niyad samaanta ah ii soo diray, dadka ka dhiidhiyay in sifo sharci daro ah la’igu xiro, kuwii i soo booqday iyo dadka meelaha fog fog fariimaha taageerada ah iigu muujiyay. Waxaan Sidoo kale u mahadcelinayaa Saraakiisha Saldhigga Gaalkacyo oo si qurux badan iila dhaqmay.

Waxaan waligey ka shaqaynayay horumarka deegaanka, si hagar la’aan ah, welina waan kasii shaqayn doonnaa, marnaba ima cabsi gelin doonto iskuday kasta oo la doonayo in la igu aamusiyo, waxaan diyaar u ahay inaan bulshada u soo gudbiyo warar xaqiiq ah oo ku salaysan runta. Allaa mahad leh.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com