Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Ilyaas Saciid Cali (Qalinle) ayaa maanta gaaray Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Wasiirka waxaa Garoonka Baraawe ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Degmada Baraawe, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda, Taliyaha Booliska iyo Masuuliyiin kale.
Wasiir Qalinle oo Xarunta Degmada kula hadlay qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa ka mahadceliyay, sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey degmadaasi.
Ugu dambeyn Wasiirka ayaa tilmaamay in socdaalkiisa Baraawe uu la xiriiro hawlo shaqo oo muhiim ah, wuxuuna sheegay inta uu ku sugan yahay magaalada in uu kulamo la qaadan doono Maamulka iyo bulshada qaybaheeda kala gedisan.







Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com