Kumaandooska Gorgor oo tababar uga socdo Turkiga (SAWIRRO)

Xoogaga Kumaandooska Gorgor ayaa tababar uu heerkiisu sareeyo ku qaadanaya Magaalada Isparta ee Galbeedka Turkiga.

Ciidankan oo ka tirsan Ururka 7aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa 9-kii bishii hore ee March ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, si ay tababarkooda ugu soo dhameystaan dalkaasi Turkiga.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji oo xilligaa ciidanka ka sagootiyay Garoonka Aadan Cadde ayaa kula dardaarmay inay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u soo tababartan.

“Dadka iyo dalka Soomaaliyeed ayaad u soo tababaraneysaan, ciidan qaran ayaad tihiin. Waxaan idiin rajeynayaa in dalkiina aad ku soo noqotaan, idinkoo cilmi iyo aqoon soo kororsaday.” Ayuu yiri Wasiir Xaaji.

Taageerada Turkiga ee Somaliya uu siiyo ayaa lagu tilmaamaa inay tahay mid muuqato, waana mid ka tarjumeysa sida Xukuumadda Ankara kaga go’an tahay dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com