Wasiir Qalinle oo Baraawe kula kulmay Saraakiisha AMISOM (SAWIRRO)

Ilyaas Saciid Cali (Qalinle), Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed oo maalintii 2aad booqasho ku joogga Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa kula kulmay Saraakiisha Midowga Afrika ee degmadaasi ka hawlgala.

Wasiirka oo ay wehliyan Maamulka Degmada iyo Taliyeyaasha Ciidamada Dowladda ayaa warbixin la xiriirta dhinaca amniga ka dhageystay Saraakiisha labada ciidan.

Taliyeyaasha Ciidamada iyo Taliyaha cusub AMISOM ee Degmada Baraawe, Col. Jonathan Ojok Ochom ayaa Wasiirka uga xog waramay xaaladda amni ee degmadaasi iyo deegaanada kale ee hoostagga.

Wasiirka ayaa Saraakiisha labada dhinac faray inay xoojiyaan wada shaqaynta dhexdooda, isla-markaana ay dardargeliyan hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Col. Jonathan Ojok Ochom, Taliyaha Ciidanka AMISOM ee aagga Baraawe ayaa dhankiisa sheegay inay xoojinayaan wada shaqaynta ay la leeyihiin hay’adaha amniga iyo weliba la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.

Wasiir Qalinle oo Jimcihii gaaray degmadaasi ayaa sheegay in uu u tagay hawlo muhiim ah, muddada uu ku sugan yahayna uu dhinacyo kala duwan kula kulmi doono.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com