C/raxmaan C/shakuur “Kaniif & Qaroole waa labada Sarkaal ee weerarka ku ah hoygeyga”

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay weerarka ay Ciidamada Dowladda caawa ku qaadeen hoyga uu ka degan yahay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada Dowladda ayaa weerar xoogan ku ekeeyay hoyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ku yaala agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim Salaad Xasan, halkaasoo uu dagaal culus ka dhacay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay inay horey uga diggeen in Ciidamada Dowladda loo adeegsado dano siyaasadeed.

“Ciidanka Farmaajo ayaa weerar ku soo qaaday hoyga aan ka deganahay Magaalada Muqdisho. Waxaan horey uga dignay in ciidanka loo adeegsado siyaasadda.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale Taliye Kuxigeenka Booliska Soomaaliyeed, General Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole) ayuu ku eedeeyay inay horkacayeen weerarka lagu soo qaaday hoygiisa.

“Kaniif iyo Farxaan Qaroole waa labada Sarkaal ee weerarka ku ah caawa oo dhan hoygeyga aan deganahay. Farmaajo ayay la qaadayaan masuuliyada weerarka.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo warkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa xiriirka bulshada.

Saraakiishan uu eedeeyay Ina Warsame ayaa waxaa la fahamsan yahay inay isu deegaan yihiin.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com