Ciidan ka tirsan Guutada 4aad ee Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa soo gaaray duleedka Magaalada Muqdisho, iyagoo markaasi ka biyo diidan labada sano ee Golaha Shacabka ugu kordhiyay muddo xileedka Hay’adaha Dowladda Federaalka.
Ciidankan ayaa soo baneeyay fariisimihii ay kaga sugnaayeen Gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana horkacaya Saraakiil uu ka mid yahay Taliyaha Guutada 4aad ee Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Saney Cabdulle Gaab.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu wataan toboneeyo ka mid ah gaadiidka dagaalka, sidoo kalena ay aad u hubeysan yihiin.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage uu saqdii dhexe ee xalay halkaasi kula kulmay Saraakiisha horkacaysa ciidamadaasi, isagoona faray inay dib ugu laabtaan aagagoodii, balse ay ka dhaga adeegeen.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Saraakiishan ay ku doodayaan in muddo kororsigu uu dalka u horseedayo qalalaase siyaasadeed iyo dagaal sokeeye.
Korneyl Saney Cabdulle Gaab iyo Saraakiisha kale ee la socoto ayaa waxaa suurtagal ah inay Warbaahinta la hadlaan, si ay ugu soo bandhigaan mowqifkooda ay ku diidan yihiin muddo kordhinta doodda badani abuurtay.
Korneyl Saney ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, ee haysta hubka iyo ciidamada ugu badan, waxaana xusid mudan in billihii December iyo January ay taagneyd xiisad kala dhaxeysay Villa Somalia, uuna soo gaaray Magaalada Muqdisho, inkastoo uu wadahadal dib ugu laabtay furinta dagaalka.
12-kii bishan ayay ahayd markii Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir, General Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) uu muddo kooban hakiyay qaraarkii uu Golaha Shacabka ku ansixiyay Sharciga gaarka ah ee jiheynta doorashooyinka dalka, taasoona dhabaha u xaartay in xilka laga qaado.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com