Somaliya oo saxiixday heshiis ay uga mid noqoneyso Wadamada Afrika ee awoodda u leh yareynta khataraha

Wasiirka Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka Somaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa saxiixday heshiis ay Somaliya uga mid noqoneyso Wadamada Afrika ee awoodda u leh yareynta khataraha masiibooyinka.

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa tiri ā€¯Waxaana xarunta Midoowga Afrika (AU) ee Addis-Ababa aan ku saxiixay heshiis ay Soomaaliya uga mid noqoneyso Wadamadda Afrika ee Awoodda u leh yareynta Khataraha Masiibooyinka (African Risk Capacity)”

Somaliya waa waddankii 35aad ee qayb ka noqda, waana dalkii u horeeyey ee sannadkan 2021 ku soo biira (ARC).

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com