Jubbaland & K/galbeed oo soo dhaweeyay mowqifka Galmudug & Hirshabelle

Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa taageeray go’aanadii ka soo baxay Galmudug iyo Hirshabelle ee ku taageereen in dalka uu doorasho aado.

Koonfur Galbeed ayaa tiri “Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya, iyada oo ka duulaysa dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dalka iyo ismari waaga arrimaha doorashooyinka waxa ay ku talinaysaa qodobadan soo socda;

  1. In dib loogu noqdo wadaxaajoodka doorashooyinka si waafaqsan heshiiskii 17kii Septembar 2020 iyo talo-soojeedintii ka soo baxday wadatashigii Guddigii Farsamada ay ku yeesheen Magaalada Baydhabo 16kii Febraayo 2021.
  2. In laga fogaado wax walba oo dhaawici kara midnimada, wadajirka iyo nabadgalyada dalka, lagana fogaado siyaasadeynta iyo kala qeybinta Ciidamada Qalabka Sida.
  3. In Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka Ah ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan xasilloonida iyo geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya.
  4. Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya wuxuu uga mahadcelinayaa Beesha Caalamka iyo saaxibada kale ee Soomaaliya taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.”

Jubbaland ayaa dhankeeda sheegtay “Dowladda Jubbaland waxay soo dhaweynaysa go’aanka ay qaateen Dowladaha Galmudug iyo Hirshabelle, kaas oo ay ku diideen muddo kororsiga sharci darada ah, waxaan aaminsanahay heshiiska 17-kii September inuu yahay waxa keliya ee laga amba-qaadi karo doorashooyin loo dhan yahay oo dalka ka dhaca.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com