Mareykanka iyo Midowga Yurub oo taageeray go’aanka Ra’iisal Wasaare Rooble

Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyay mowqifka Hirshabelle iyo Galmudug ay ku diideen muddo kordhinta, ayna tahay in dalka uu doorasho aado, iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17-kii September, 2020.

Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa ammaantay Madaxweyne-yaasha Hirshabelle iyo Galmudug, oo ka soo horjeestay muddo kororsiga, ayna taageereen heshiiskii 17-kii September.

Qoraal lagu daabacay barta Safaaradda Mareykanka ee Twitter-ka ayaa loogu baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu aqbalo wadada cad ee wadahadalka iyo nabadda.

Dhanka kale Amb. Nicolas Berlanga, Wakiilka Midowga Yurub ee Somaliya ayaa bogaadiyay mowqifka Maamulada Galmudug, Hirshabelle iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble.

Amb. Nicolas Berlanga ayaa sheegay in xalka keliya ee Somaliya uu yahay wadahadal, isla-markaana aanu gacan hadal meelna uga bannaaneyn Somaliya.

Saaxiibada Caalamka ee Somaliya ayaa horaan ka horyimid muddo kordhinta labada sano ee Golaha Shacabka u sameeyay Hay’adaha Dowladda Federaalka, taasoo ay sheegeen in Somaliya u horseedi doonto amni-darro iyo xasillooni la’aan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com