Rooble oo shir guddoomiyay shir looga hadlayay amniga Muqdisho (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoomiyay shir looga hadlayay amniga Magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirada Amniga, Gaashaandhigga, Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta, Taliye-yaasha Ciidanka Xoogga Dalka, Booliska, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa si dhow looga hadlay xaaladda amni ee Magaalada Muqdisho, iyadoo Ra’iisal Wasaare Rooble uu masuuliyiinta faray in la xoojiyo amniga Caasimadda.

Rooble ayaa wada dadaalo lagu xaqiijinayo ammaanka Magaalada Muqdisho, isagoo dhanka kalena wadahadalo la leh garabka mucaaradka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com