Duqa Beledweyne oo agab iyo xoolo nool u geysay Ciidanka XD(SAWIRRO)

Duqa Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, Marwo Nadar Tabaax Maalin ayaa maanta deeq isugu jirta xoolo nool oo ari ah iyo agab kale oo ay ka mid yihiin bustayaal waxay gaarsiisay Ciidankaa Xoogga Dalka.

Ciidanka ay deeqdaas gaarsiisay Duqa Beledweyne ayaa ka tirsan Guutada 5aad ee Qaybta 27aad, oo ka hawlgala Gobolka Hiiraan.

Ujeedka deeqdan ayaa ah in ciidanku ku afuraan, maadama lagu gudo jiro bisha barakeysan ee Ramadan, ayna dhiiri ealin u noqoto ciidamada.

Taliyaha Guutada 5aad ee Qaybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) ayaa dhankiisa ka mahadceliyay deeqdan lasoo gaarsiiyay ciidanka, wuxuuna si gaar ah ugu bogaadiyay hawshaan wanaagsan Duqa iyo bulshada reer Beledweyne.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com