Ingiriiska oo baaq u diray Madaxda Soomaalida

Dowladda Ingiriiska ayaa Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad goboleedyada ugu baaqday inay si deg-deg ahi u wadahadlaan, iyadoo aanay wax shuruud ahi jirin.

“Waxaan ugu baaqaynaa Madaxweynaha iyo Hoggaamiye-yaasha Dowlad Goboleedyada inay deg-deg u wadahadlaan, iyadoo aan shuruudo lagu xirin. Waa inay yimaadaan ayaga oo diyaar u ah inay sameeyaan tanaasulaadka lagama maarmaanka ah, kuna wada xaajoodaan niyad sami.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Safaaradda UK ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada amniga ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho ayaa loogu baaqay inay ka fogaadaan rabshadaha, isla-markaana ay amniga xaqiijiyaan.

“Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan ciidamada amniga ee caasimadda inay ka reebtoonaadaan rabshadaha, ayna joogteeyaan xasilloonida.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Waa muhiim in ciidamada amniga ay xoogga saaraan ka hortagga cadowga Al Shabaab, ayna xaqiijiyaan inaysan ka faa’iideysan hubanti la’aanta siyaasadeed.”

Saaxiibada caalamka ee Somaliya ayaa taageeray diidmada ay muujiyeen Madaxweyne-yaasha Dowlad Goboleedyada iyo Ra’iisal Wasaaraha, ee ku aadanaa muddo kordhinta.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com