Libaax soo baxsaday oo haweeney ku dhaawacay Magaalada Hargeysa

Libaaxan ayaa ka soo baxsaday Beerta libaaxyada ee Magaalada Hargeysa, halkaasoo uu tiro libaaxyo ahi ku xanaaneeyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Somaliland, Cali Maxamed Warancadde.

Libaaxa ayaa xilligii Salaadda Cishaha ee caawa ka soo baxsaday xeradii lagu hayay, sida uu sheegay Kuxigeenka Duqa Magaalada Hargeysa, Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne).

Caweyskii caawana waxaa soo yeeray warka sheegaya in libaaxaasi uu si xun haweeney ugu waxyeeleeyay xaafadda New Hargeysa. Xaaladda haweeneydani ayaa iminka lagula tacaalaya isbitaalka weyn ee Hargeysa.

Booliska Somaliland ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay baadigoobayan libaaxaasi, iyadoona dadka deegaanka la faray inay feejignaadaan.

Baxsashada libaaxani ayaa baqdin ku keentay bulshada reer Hargeysa, gaar ahaan dadka degan xaafadaha dhaca bariga magaalada.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya inta badan dadka deegaanka inay guryahooda ku xaroodeen, sababo ku aaddan xaaladdan soo korortay.

Maaha markii ugu horeysay oo inta libaax ka baxsado Beerta Ina Warancadde uu dad ku waxyeeleeyo Magaalada Hargeysa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com