RW Rooble oo la kulmay ganacsatada Gobolka Banaadir (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta la kulmay ganacsatada Gobolka Banaadir, iyadoona ay kulanka ku wehlinayeen Madaxweyne-yaasha Galmudug iyo Hirshabelle, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ganacsatada kala hadlay, sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayen xoojinta ammaanka Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaaraha ayaa ganacsatada ka codsaday inay caawiyaan, oo ay gurmad gaarsiiyaan qoysaska ku barakacay dagaalkii maalmo ka hor ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaare iyo Madaxda Hirshabelle & Galmudug ayaa door weyn ka qaadanaya xaqiijinta xasilloonida Caasimadda Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com