Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgalo ka fuliyay Shabellaha Hoose (SAWIRRO)

Xoogaga Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka ayaa maanta hawlgal ay ka fuliyeen Gobolka Shabellaha Hoose waxay ku gubeen gaari walxaha qarxa lagu raray.

Hawlgalkan ayaa ka dhacay deegaanka Jilib Marka, halkaasoo lagu diyaariyay gaari SURF oo walxaha qarxa lagu raray, sida ay sheegeen Saraakiisha Militariga. Saraakiishan ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in gaarigaasi la doonayay in la soo geliyo Magaalada Muqdisho, si bulshada loogu dhibaateeyo.

Sidoo kale Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgal kaasi barbar-socday ka sameeyay deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ayaa sheegay in ujeedka hawlgalku ahaa burburinta meelaha ay ku dhuumaaleystaan Saraakiisha iyo maleeshiyada Al Shabaab iyo weliba goobaha ay qaraxyada ku diyaariyaan.

Hawlgalkan ayaa imaanaya, xilli maalmihii ugu dambeysay uu gaabis ku yimid hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com