Mareykanka iyo Midowga Yurub oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Shacabka

Dowladda Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyay go’aanka Golaha Shacabka uu ku ogolaaday in dib loogu laabto heshiiskii 17-kii September.

Qoraal kooban oo ay Safaaradda Mareykanka ee Somaliya ku daabacday bogga ay Twitter-ka ku leedahay ayay ku bogaadisay tallaabada ay qaadeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Golaha Shacabka.

“Waxaan sidoo kale soo dhaweynaynaa in Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu qaato doorkiisa hirgelinta doorashooyinka Somaliya, oo ay tahay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo qabto.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhanka kale Wakiilka Midowga Yurub ee Somaliya, Amb. Nicolas Berlanga ayaa sheegay in Midowga Yurub uu soo dhaweynayo go’aanka Golaha Shacabka iyo baaqa Madaxweynaha

“Midowga Yurub wuxuu soo dhaweynayaa go’aanka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliya iyo ku dhawaaqidda Madaxweyne Farmaajo. Hadda waa inaanan wax shuruud horudhac ah lagu xirin wadahadalada. Ra’iisal Wasaare Rooble waa inuu ku tiirsanaadaa taageerada wax ku oolka ah ee dhammaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Danleyda Siyaasadda ee geddi-socodka ay Soomaalidu hoggaaminayso.” Ayuu yiri Wakiilka oo warkan ku sheegay bartiisa Twitter-ka.

Hadalkan ka soo yeeray Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa imaanaya wax yar uun ka dib, markii Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ansixiyeen in la baabi’iyo qaraarkii muddo kororsiga, ee ay meelmariyeen 12-kii bishii hore ee April, isla-markaana ay ogolaadeen in dib loogu laabto heshiiskii 17-kii September.

140 Xildhibaan ayaa ahaa ugu codeysay in dib loogu laabto heshiiskii Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, ay 17-kii bishii September ee sanadkii 2020 ku gaareen Caasimadda Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa codeynta ka hor khudbad u jeediyay Golaha Shacabka, isagoona sheegay inuu dib ugu soo celiyay qaraarki muddo kordhinta, uuna ka codsanayo inay taageeraan ku noqoshada heshiiskii September 17.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com