Jubbaland oo sheegtay in Madaxweyne Farmaajo la yimid siyaasad gacan laaban

Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay mowqifkooda ku aaddan tallaabada uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu howlaha doorashooyinka ugu wareejiyay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa sheegay inay arrintaasi soo dhaweynayaan, balse aanay ahayn mid dhameystiran.

“Marka hore waan soo dhaweynaynaa, laakiin ma wada dhamo, sidii la rabay maaha in xukunka qayb la wareejiyo, qayb-na la haysto.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka oo la hadlay VOA ayaa tilmaamay in weli uu Madaxweynuhu yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, waana xilli ciidamada qaybtood ay is horfadhiyaan Magaalada Muqdisho.

“Ciidamadii baa is horfadhiya, dagaalkii baa weli aloosan, inuu yiraahdo qaybta doorashooyinka baan wareejinayaa ma’ahayn, ee inuu wada wareejiyo ayay ahayd Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday, oo uu ku wareejiyo Ra’iisal Wasaaraha xil gaarsiinta.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Kamaankii ciidanka buu weli hayaa, ciidankiina weli waa is horfadhiyaan, haddii badbaadiye uu yahay haku wareejiyo Ra’iisal Wasaaraha, si nabad ay u noqoto Xamar, ummadda Soomaaliyeed-na ay calooshooda u qabowdo, doorashooyinka, shirarkooda iyo wadatashigooduna ay nadiif u noqdaan, sidaas ayaanu qabnaa, ka Jubbaland ahaan.”

Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, Wasiirka Warfaafinta Jubbaland ayaa yiri “Madaxweynaha ha wareejiyo Taliska Ciidamada, oo si buuxdo ha ugu wareejiyo Ra’iisal Wasaaraha, si nabadiina ay u soo noqoto, Ra’iisal Wasaarahana uu galaangal ugu yeesho inuu kontoroolo nabadii iyo xil gaarsiintii doorashooyinka.”

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland ayaa hoosta ka xariiqay inaanay rumeysan doonin warka Madaxweynaha, illaa iyo inta uu ka wareejinayo ciidamada.

“Haddii taasi aynaan dhicin oo gacana laaban tahay, gacana la fidiyo, taasi waxba kama soconayo, waa gacan gadaal ka laaban weeye, xilli kasta bay wax dhici karaan, lagumana aamin qabo, waana la ogaa Madaxweynuhu wixii uu sameynayay, anagu ma aamini kareyno, illaa uu si buuxdo u wareejiyo.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com