Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay Shariif Sheekh Axmed (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed ahna Gudoomiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay xaaladda guud ee dalka, xasilloonida Magaalada Muqdisho iyo arrimaha doorashooyinka.

“Ra’iisal Wasaaraha XFS, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Shariif Sheekh Axmed, oo ay ka wadahadleen xaaladda guud ee dalka, xasilloonida Caaasimadda iyo arrimaha dooraahooyinka dalka.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ee Facebook.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa toddobaadkii hore dhinacyada siyaasadda ugu baaqay inay aqbalaan wadahadal, haddii uu yahay kan keliya ee xaaladda taagan looga gudbi karo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com