Rooble oo shir ugu yeeray Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ugu yeeray inay ka soo qaybgalaan shirka wadatashiga qaran.

Shirka wadatashiga qaran ee lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka ee dalka ayuu Ra’iisal Wasaaraha iclaamiyay in 20-ka bishan ka furmi doono Magaalada Muqdisho.

Maxamed Ibraahim Macalimuu, Afhayeenka Xukuumadda ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha uu Madaxda Dowlad Goboleedyada ugu yeerayo inay Caasimadda Muqdisho yimaadaan, si 20-ka bishan uu shirka ugu furmo.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in sababta loo dheereeyay muddada furitaanka ee shirka ay tahay, iyadoo la gelayo tobanka dambe ee bisha Ramadan, isla-markaana ay xiggi doonaan munaasabadda ciidda iyo 6-da maalmood ee Waddaca la soomo.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa xalay ku dhawaaqay in Xukuumaddu soo bandhigi doonto qorsheyaasha doorashooyinka iyo amniga guud ee qaranka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com