Ergayga gaarka ee Qatar oo la kulmay Qoorqoor iyo Lafta-gareen (SAWIRRO)

Ergayga gaarka ah ee Wasiirka arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaalanka argagixisada, Multaq Alqahtani ayaa gelinkii dambe ee maanta siyaabooyin kala duwan ula kulmay Madaxweyne-yaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Madaxweynaha Galmudug iyo Ergayga ayaa ka wadahadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo muran badani uu hareeyay.

Wararka ayaa sheegaya in Ergayga uu Madaxweyne Qoorqoor ku ammaanay juhdiga uu ku bixiyay, sidii dalka uga gudbi lahaa isgoyska la taagan yahay.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa la kulmay Ergayga, waxayna ka wadahadleen dardargelinta dagaalka lagula jiro argagixisada iyo weliba arrimaha doorashooyinka ee dalka.

“Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Ergayga gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaalanka argagixisada, Mudane Multaq Alqahtani. Waxa ay ka wadahadleen xoojinta la dagaalanka argagixisada iyo arrimaha doorashooyinka ee dalka.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Facebook.

Multaq Alqahtani oo maalintii 3aad booqasho ku jooggo Magaalada Muqdisho ayaa ka wada kulamo leeskugu soo dhaweynayo dhinacyada siyaasadda ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com