Axmed Madoobe oo la kulmay Saraakiisha Mareykanka ee dalka ka hawlgala

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa la kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Mareykanka ee ka hawlgala Gobolada Koonfurta.

War ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Warka ayaa u qornaa “Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee ka hawlgala Jubbaland.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada waxaa Madaxweynaha ku wehlinayay Sareeye guuto Maxamed Cabdi Sheekh, Taliyaha Guud ee Ciidamada Jubbaland iyo Gaashanle sare Maxamed Guuleed Xasan, Taliye Kuxigeenka Ciidamada Jubbaland.

Kulankan waxaa lagaga hadlayay, sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab, iyadoo iskaashi buuxa laga samaynayo sidii loo dardargelin lahaa hawlgalada ka dhanka ah argagixisada.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com