Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Ergayga gaarka ee Qatar (SAWIRRO)

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa la kulmay Ergayga gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaalanka argagixisada, Multaq Alqahtani.

Wafdi uu hoggaaminayo Ergayga ayaa maanta gaaray Magaalada Hargeysa, ka dib booqasho afar maalmood qaadatay oo ay ku jooggeen Magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa si kooban looga hadlay kulanka Madaxweynaha Somalialnd iyo Multaq Alqahtani.

Qoraalka ayaa u qornaa “Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu Magaalada Hargeysa ku qaabilay Mudane Dr. Mutlaq bin Majid Al-Qahtani, Ergeyga Gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda ee la dagaalanka argagixisada & dhexdhexaadinta Xalinta Khilaafaadka iyo wafdiga la socda, intii ay ku sugnaayeen Somaliland.

Intii kulanku socday, waxaa dib loo eegay mowduucyada danta guud.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com