Rooble oo Guddi u xil saaray qalalaasihii ka dhacay Muqdisho

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi ka soo tala bixiya xal ka gaarista qalalaasahii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa qoraal uu soo saaray ku magacaabay Guddigan oo kow iyo toban xubnood ka kooban.

Guddigan oo Gudoomiye uu u yahay Wasiirka Amniga Qaranka, Xasan Xundubey Jimcaale ayaa laga dalbaday inay ka soo tala bixiyaan qalalaasihii 25-kii bishii hore ee April ka dhacay Caasimadda Muqdisho.

Xubnaha Guddiga

Wasiirka Amniga Xasan Xundubey Jimcaale Guddoomiye
Wasiirka Arrimaha Gudaha Mukhtaar Xuseen Afrax Xubin
Wasiirka Gaanshaandhigga Xasan Xuseen Xaaji Xubin

Mudane Cabdi Sheekh Axmed Rooble Xubin
Wasiiru Dowlaha Amniga Farxaan Cali Axmed Xubin
Wasiir ku Xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaalla) Xubin

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid Xubin
Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Ugaas dhageey) Xubin
Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) Xubin
Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur Xubin
Xildhibaan Mahad Maxamed Salad Xubin

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com