Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka.
Jegadan ayaa waxaa bishii hore ee April iska diiday Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, ka dib markii laga qaaday xilka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada.
Rooble ayaa 11-kii bishii April isku bedelay Wasiirkii Shaqada & Shaqaalaha, Duraan Axmed Faarax oo loo magacaabay Wasiirka Gadiidka & Duulista Hawada, halka Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar loo magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, inkastoo uu maalmo ka dib ka cudurdaartay.

Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa horey u soo noqday Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka ahna Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha, xilligii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com