Deni oo toddobaad ka dib bulshada soo dhexgalay (SAWIRRO)

Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Puntland ayaa caawa si lama fillaan ahayd loogu arkay, isagoo kormeeraya Cadduun Plaza Hotel, oo laga hirgeliyay Magaalada Garoowe.

Maalmihii ugu dambeysay ayay dadku isla dhex marayeen in Madaxweynuhu la xanuunsanayo xanuunka COVID-19 ee fayriska Corona uu keeno.

“Caawa waxaan booqday Hotelka Cadduun Plaza oo laga hirgeliyay Garoowe, halkaasi oo aan kula kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in uu dhiirigelinayo dadka reer Puntland ee dalka dib ugu soo laabtay, si ay maalgashi ugu sameystaan.

“Waxaan dhiirigelinayaa ganacsatada reer Puntland ee dalka ku soo laabtay, si ay u maalgashtaan.” Ayuu yiri Madaxweyne Deni oo warkan ku sheegay bartiisa Facebook.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com