Guudlaawe oo caawa kulmiyay Rooble & Midowga Musharaxiinta (SAWIRRO)

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa caawa afurin u sameeyay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Xubnaha Midowga Musharaxiinta qaarkood.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal u qornaa “Waxaan caawa kulan afur ah ugu sameeyay hoyga aan ka deganahay Magaalada Muqdisho Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor” Qaar kamid ah Midowga Musharixiinta iyo xubno Wasiiro ah.

Kulankaan waxaa diirada lagu saarayay amniga iyo xasilinta Magaalada Caasimada ee Muqdisho, sidoo kale Kulankaan waxaan uga hadalnay Arrimaha Doorashooyinka iyo sida lagama maarmaanka ay u tahay qabsoomida Doorashoooyin la isla ogolyahay oo si nabdoon ku dhaca.

Waxaan soo dhoweyneynayaa shirka uu Raisul Wasaaraha Xukuumada isugu yeeray Dowlad Goboleedyada waxaana marwalba diyaar u nahay ka shaqeynta danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.”

Kulankan ayaa waxa uu imaanaya, xilli galabta ay xal ka gaareen qalalaasihii 25-kii bishii April ka dhacay Magaalada Muqdsho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com