Shabaab oo caawa weerar culus ku galay Garoonka Diyaaradaha Ceelwaaq

Wararka ka imaanaya Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in maleeshiyada Ururka Al Shabaab ay caawa weerar culus ku ekeeyeen Garoonka Diyaaradaha ee degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Shabaabka ay dhowr jiho ka soo weerareen Garoonka, oo ay degan yihiin Ciidanka Militariga Kenya ee qaybta ka ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in weerarka uu ku bilowday madaafiic ay Shabaabku ku ekeeyeen garoonkaasi, deetana ay qaarkood u suurtagashay inay gudaha ugu daataan.

Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle), Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa sheegay inay Shabaabku u muuqdeen kuwo doonaya inay la wareegaan garoonkaasi, balse aanay u suurtagelin.

“Nimankii Khawaariijta ahaa ayaa caawa weerar xoogan oo arbushaad ah ku soo qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Ceelwaaq. Bilowgiiba Ciidamada Kenya way ku argagaxeen weerarka, meel laga jirana maysan garanayn, nimankii qaarkood oo watay jaran jarooyin ayaa darbiga Garoonka ku fuulay, muddo afartan daqiiqo ah baana dagaal faraha looga gubtay uu ka socday xerada dhexdeeda.” Ayuu yiri Afhayeenka oo la hadlay Universaltv.

Korneyl Aadan Rufle ayaa yiri “Khasaaro waa jiraa, laakiin ma sheegi karno inta uu le’eg yahay, nimankiina meesha ugama aysan tagin wax meyd iyo dhaawac toona. Laba diyaaradood oo kuwa yar yar ah ee Helicopter-ka ayaa Garoonka yimid, waxayna ka qaadeen dhaawacyadii askarta Kenyanka.”

Korneyl Aadan Rufle ayaa Militariga Kenya ku eedeeyay inay madaafiicda goobta ku garaaceen deegaanada la degan yahay, waana xilli ay dib u gurteen Shabaabkii weerarka soo qaaday.

“Dagaalkii markuu joogsaday ayay Ciidamada Kenya bilaabeen inay ridaan madaafiicda goobta, oo ka mamnuuc ah in meelaha rayidku degan yahay loo adeegsado. Qoys degan meesha la yiraahdo Budada oo 9km u jirta Ceelwaaq baa waxaa gurigoodii ku dhacay madfac, saddex qof oo hooyadii guriga oo xaamilo ahayd iyo laba canug ay dhashay baa ku dhaawacmay. Xero uu ari ku xareysnaana madfac kale ayaa ku dhacay.” Ayuu yiri Aadan Rufle.

Rufle ayaa intaa ku daray “Khasaaraha rayidka soo gaaray intaa wuu ka badan karaa, maxaa yeelay waa habeen, wayna adag tahay in la gaaro meelaha degmada ka baxsan, dib baana ka soo sheegi doonnaa wixii soo kordha.”

Waa weerarkii ugu xooganaa ee Shabaabku bishan Ramadan ku qaadaan mid ka mida xeryaha ay degan yihiin Ciidanka Midowga Afrika.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com