Wasiiro la afuray Taliska Booliska Gobolka Banaadir (SAWIRRO)

Wasiirada Cadaaladda iyo Gadiidka & Duulista Hawada ayaa waxay caawa la afureen Taliska Booliska Gobolka Banaadir iyo qaar ka mida ciidamada ammaanka.

Kulankan oo ahaa mid lagu dhiirigelinayay Saraakiisha iyo Ciidamada Booliska ayaa waxaa ka qaybgalay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Farxaan Maxamed Aadan (Farxaan Qaroole) iyo Gudoomiyaha Degmada Hodan, Cabdifitaax Xayir Ciise.

Wasiirka Cadaaladda & Garsoorka Somaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ujeedada ay ula afureen ciidamada ay tahay, si dhiirigelin loogu muujiyo howsha ay qarankooda u hayaan.

Wasiirka Gadiidka & Duulista Hawada Somaliya, Duraan Axmed Faarax ayaa Taliska Gobolka Banaadir iyo ciidamadaba uga mahadceliyay shaqada ay bulshada u hayaan, isagoona booriyay in har iyo habeenba u taagan yihiin xaqiijinta nabadgelyada Caasimadda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com