Amiirka Qatar oo ka hadlay soo celinta xiriirkii Somaliya iyo Kenya

Amiirka dalka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani ayaa soo dhaweeyay dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Dowladaha Somaliya iyo Kenya.

Amiirka ayaa tallaabada ay xiriirkooda ku soo celiyeen labada dowladood waxaa uu ku sheegay mid geesinimo leh, isagoona xusay in Qatar ay ebid ka shaqayn doonto wanaagga iyo nabadda.

“Waxaan ugu hambalyeynaya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta go’aanka xigmadda iyo geesinimada leh, ee ay ku soo celiyeen xiriirkii diblomaasiyadeed ee Somaliya iyo Kenya. Waxaan si dhab ah ugu rajeynaynaa labada dal ee deriska ah iyo dadkooduba nabadgelyo iyo xasillooni.” Ayuu yiri Amiirka.

Amiirka ayaa yiri “Waxaan xaqiijinayaa in Qatar ay weligeed sii wadi doonto ku dadaalka wanaagga iyo nabadda.”

Warmuriyeed ay si wadajira u soo saareen Somaliya iyo Kenya ayaa loogu mahadceliyay Amiirka Qatar gacantii uu ka geystay arrintan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com