Madaxweyne Lafta-gareen oo magacaabay guddi baara carruurtii lagu dilay Baydhabo

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa magacaabay guddi sagaal xubnood ka kooban oo baaris ku soo sameysa dilkii bishii April ee Magaalada Baydhabo loogu gaystay wiilkii iyo gabadhii walaalaha ahaa.

Guddigan ayaa loo magacaabay, si ay natiijo sax ah uga keenaan ciddii ka dambeysay dilka wiilka iyo gabadhaasi, oo da’doodu ka yareyd 10 sano.

Magacaabidda Guddigan ayaa timid, ka dib markii bilowgii toddobaadkii uu aabaha dhalay carruurtaasi oo lagu magacaabo Sheekh Aweys Cabdullaahi uu cabasho ka muujiyay natiijada baaritaankii ay sameeyeen laamaha ammaanka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com