Cabdullaahi Maxamed Cabdullaahi oo ahaa wiil taksiile ah ayaa Arbacadii lagu dilay Magaalada Moorhead ee Gobolka Minnesota, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Booliska.

Dilka Cabdullaahi ayaa loo soo qabtay Willie Sparkman oo 18 jir ah, wuxuuna ku eedeysan yahay dillka darajada labaad oo ah mid aan ula kac aheyn, maadaama Sparkman qorshihiisu ahaa inuu dhac iyo baarasho u gaysto marxuumka oo 24 jir ahaa.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ay eedeysane Sparkman ku raad jooggeen ka hor inta aanu dilin muwaadinkan Soomaaliyeed, maadaama uu dhac ka gaystay laba goobood oo kala duwan labadii habeen ee la soo dhaafay.
Cabdullaahi Maxamed ayaa noqonaya muwaadinkii labaad ee Soomaaliyeed oo muddo toban cisho gudahood ah lagu dilo Gobolka Minnesota.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii burcad hubeysan ay Liibaan Cisman Baqarre ku dhex toogteen Xarunta Xawaaladda Taaj ee xaafadda Cedar ee Magaalada Minneapolis.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com