Rooble oo kormeeray wadooyinka Muqdisho ee dib loo furayo (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa gelinkii dambe ee maanta kormeeray howsha dib loogu furayo wadooyinka Magaalada Muqdisho, ee daba-yaaqadii April ay dhufeysyada ka sameysteen Ciidamada Militariga.

Wadooyinkan ayaa ku xirmay qalalaasihii 25-kii April ka dhacay qaybo ka mida Magaalada Muqdisho, waxaana socdo qorshihii ciidamada dib loogu celin lahaa xeryahooda.

Tani ayaa qayb ka ah tallaabada lagu dhaqangelinayo heshiiskii nabadeed, ee ay shalay galab magaalada ku wada gaareen Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda iyo Midowga Musharaxiinta.

Ra’iisal Wasaaaraha ayaa kormeer ku tagay meel aan sidaa uga fogayn Isgoysyada Dabka iyo Mirinaayada, isagoona booriyay shaqada socoto.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa sheegay in amniga Caasimadda Muqdisho lagu wareejiyay Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com