Somaliya iyo Kenya oo soo celiyay xiriirkoodii diblomaasiyadeed

Dowladda Somaliya ayaa dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed, ee ay la laheyd Dowladda Kenya, ka dib markii ay xiriirkaasi u jartay bishii December.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa Warbaahinta u akhriyay Warmurtiyeed ka soo baxay labada dowladood.

War Murtiyeedka labada dowladood

War-murtiyeedka wadajirka ah ee dib-u-soo-celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Somaliya iyo Kenya.

Dowladda Federaalka Somaliya, waxay iyadoo la ilaalinayo danaha deris wanaaga, ku dhawaaqaysaa in ay dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Jamhuuriyadda Kenya.

Dowladda Jamhuuriyadda Kenya waxay soo dhawaynaysaa tallaabadan lagu ilaalinayo danaha daris-wanaagga labada dal.

Labada dowladood waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee labada dal iyadoo lagu saleynayo mabaadi’da is-ixtiraamka ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinnaanta, wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha.

Madaxweyneyaasha labada dal waxay Amiirka Dowladda Qatar uga abaal hayaan, ugana mahadcelinayaan dadaalkii uu ka geystay arrintan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com