Madaxweynaha Hirshabelle oo ku laabtay Magaalada Jowhar (SAWIRRO)

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Jowhar, oo toddobaadyo uu ka maqnaa.

Madaxweynaha ayaa muddooyinkanba ku sugnaa Magaalada Muqdisho, isagoona u joogay dadaaladii xalka loogu raadinayay khilaafka wiiqay arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa gacan ka gaystay xal u helidda qalalaasihii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo sidii dib xeryahooda loogu celin lahaa ciidamadii diidanaa muddo kororsiga.

Ka dib markii uu Madaxweynuhu gaaray Magaalada Jowhar ayaa waxa uu kormeeray qaybo ka mida goobaha uu xilligan ku fatahay Webiga Shabelle.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan cid kastoo gacan ka gaysanaysa xiritaanka goobaha uu webigu ku fatahay.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa yiri “Waxaan ugu horeyn kormeer u kuur-gelid ah ku tagay qaybo ka mid ah goobaha uu ku fatahay Webiga Shabeelle oo saamayn ku yeeshay dad badan.”

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa baaq nabadeed u jeediyay laba beelood oo Arbacadii ku dagaalamay deegaano dhaca galbeedka Magaalada Beledweyne.

“Dhinaca kale waxaan baaq nabadeed u diraya beelaha walaalaha ah ee ku diriray Magaalada Beledweyne, waxaana ku baaqaya nabad wadajira.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com