Ra’iisal Wasaare Rooble oo gaaray Magaalada Jeddah

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii gaaray Magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa Garoonka Jeddah ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Safaaradda Somaliya ee dalkaasi iyo masuuliyiin kale oo Boqortooyada Sacuudiga ka tirsan.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa lagu wadaa inuu uga sii gudbo magaalada barakeysan ee Makka, si uu ugu soo cumreysto.

Waa safarkii 3aad oo Rooble uu dibadda ugu ambabaxo, tan iyo markii xilka loo magacaabay bishii September ee sanadkii hore.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com