Taliyaha Ciidanka Booliska oo la kulmay Madaxweynihii hore (SAWIRRO)

General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xalay la kulmay Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud.

Taliyaha oo hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee dalka ayaa waxaa wehlinayay oo la socday Taliye Kuxigeenka Booliska Soomaaliyeed, General Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) iyo Afhayeenka Ciidanka Booliska, Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodisho).

Qoraal la soo kordhay barta Taliska Booliska ee barraha bulshada ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay suggida amniga musharaxiinta ee xilliga doorashooyinka.

Qoraalka ayaa u qornaa “Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), oo ay wehliyaan Taliye Kuxigeenka iyo Afhayeenka Booliska ayaa hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankan waxaa lagaga wadahadlay qorshaha sugidda amniga musharaxiinta ee xilliga doorashooyinka.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com