Faah faahin: Ismiidaamin caawa ka dhacday Magaalada Muqdisho

Faah faahin ayaa ka soo baxeysa weerar ismiidaamin ahaa oo caawa ka dhacay wadada mashquulka badan Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Nin isa soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyay Saldhigga Booliska ee Degmada Waaberi, iyadoona qaraxaasi uu dhimasho iyo dhaawacba sababay.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhintay Taliyihii Saldhigga Booliska ee Degmada Waaberi, Axmed Cabdullaahi Baashane, Taliye Kuxigeenkii Qaybta Booliska Waliyow Cadde, G/dhexe Cabdibaasid Maxamuud Cagey iyo tiro askar ah oo saldhiggaasi ka hawlgeli jirtay. Sidoo kale tiro kale oo ku dhaawacantay qaraxaasi ayaa loo qaaday goobaha caafimaadka.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ismiidaamiyaha uu Taliyaha Saldhigga Waaberi iyo Saraakiisha kaleba uu ku beegsaday, xilli ay fadhiyeen bannaanka hore ee saldhiggaasi.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in lix qof ku dhimatay qaraxaasi, lix kalena ay ku dhaawacantay.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, waxaase si dhow loola xiriirinaya maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Waa ismiidaamintii ugu horeysay ee ka dhacdo Magaalada Muqdisho, tan iyo markii Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble lagu wareejiyay amniga guud ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com