Hooyo iyo 3 carruur ah ay dhashay oo ku dhintay dhisme ku dumay Muqdisho

Lix qof ayaa ku dhimatay, saddex kalena way ku dhaawacantay, ka dib markii uu xalay darbi ku soo dumay qoysas barakacayaal ah oo degan deegaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Illaa saddex qoys ayaa la sheegay inay hoos jiifeen darbigan oo ku yaala nawaaxiga Jaamacadda Shabelle.

Dadka geeriyooday ayaa waxaa ku jira hooyo iyo saddex carruur ah oo ay dhashay, sida ay eheladooda xaqiijiyeen. Aabihii qoyskaasi ayaa sidoo kale ka mid ah saddexda qof ee dhaawaca uu soo gaaray. Dhaawacyada ayaana la gaarsiiyay Isbitaalka Madiina.

Dhismaha soo dumay ayay dadka deegaanku sheegeen inuu ahaa mid qadiimiya oo muddo dheer dhisnaa.

Roobabka maalmihii ugu dambeeyay ee ka da’ay Gobolada Koonfurta ayay dadku sheegeen inay sii nugleeyeen dhismahaasi.

Inta badan roobabka ka da’a Magaalada Muqdisho ayaa saamaynta ugu badan ku yeesha dadka danyarta, kuwaa oo aan haysan agab ku filan oo ay roobabka ka dugaashadaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com