Dowladda Somaliya oo ku dhawaaqday in Arbacada aanay ciid ahayn

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta & Diinta ee Somaliya, Cumar Cali Rooble ayaa ku dhawaaqay in berrito aanay ciid ahayn, isla-markaana la soomi doono.

Wasiirka ayaa sheegay Wasaaradda iyo Culimada Soomaaliyeed inay sameeyeen xiriiro kala duwan oo ku aaddan bal in goob uun bilashada bisha Shawaal laga arkay, ha yeeshee aanay jirin, sidaasi darteedna la kaamil yeeli doono 30-ka bisha Ramadan.

Wasiirka iyo qaar ka mid ah Culima’udiinka Soomaaliyeed ayaa Xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay in Arbacada la soomi doono.

Inta badan Dowladaha Islaamka ayaa ku dhawaaqay in berrito aanay ciid ahayn.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com