Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Magaalada Kampala

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay Magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Madaxweynaha ayaa halkaasi kaga qaybgelaya xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha dalkaasi Uganda, Yoweri Museveni oo ku martiqaaday xafladda qaar ka mid ah Madaxda Caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay dalkaasi waxa uu kulan doceedyo la yeelan doonnaa hoggaanka dalkaas iyo Madaxda kale ee dhiggiisa ah ee ka soo qaybgelaya munaasabaddan, isaga oo kala hadli doona danaha wadajirka ah ee kala dhaxeeya dalkeena.

Wafdiga Madaxweynaha ee ka qaybgelaya munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Museveni waxaa ka mid ah Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xasan, Marwada Koowaad ee dalka Saynab Cabdi Macalin, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com