Mareykanka oo walaac ka muujiyay gantaalada lagu harqiyay Israel

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa ku baaqay in sida ugu dhakhsaha badan loo joojiyo gantaalada ka imaanaya Marinka Gaza ee ku dhacaya dhulka ay Israel xoogga ku haysato.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa Ururka Xamaas oo maamula Marinka Gaza ugu yeeray inay joojiyaan gantaalada ka dhanka ah Israel.

“Xamaas waxaa looga baahan yahay inay joojiyaan gantaalada ay ku ridayaan Magaalada Jerusalem.” Ayuu yiri Antony Blinken oo intaa ku daray “Waa in sida ugu dhakhsaha badan loo joojiyaa gantaalada.”

Antony Blinken ayaa labada dhinac ugu baaqay inay xaaladda qaboojiyaan, kana fogaadaan inay qaadaan tallaabo xiisadda sii hurin karta.

Dominic Raab, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain ayaa ku baaqay in deg-deg loo joojiyo gantaalada ay Xoogaga Xamaas u tuurayaan dhanka Magaalada Qudus.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden oo xoojinaya baaqyada caalamiga ee labada dhinac loo jeedinayo ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay xiisadda ka soo cusboonaatay Bariga Dhexe.

Xaaladda ayaa cirka isu shareertay, ka dib markii xoogaga wax iska caabinta ee Falastiiniyiinta ay gantaalo ku weerareen Magaalada Qudus.

Ra’iisal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dhulka Israel ay ku soo dhaceen boqol iyo konton gantaal oo laga soo tuuray Marinka Gaza.

Diyaaradaha Israel oo gantaalahaasi ka jawaabaya ayaa duqayn culus ka gaystay Magaalada Gaza, waxaana ku dhintay labaatan qof oo Falastiiniyiin ah, kuwaa oo sagaal ka mida ay carruur yihiin. Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa mar sii horeysay sheegtay in shan iyo lixdan qof oo kale ay ku dhaawacantay duqayntaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com