Wafdiga Madaxweyne Farmaajo oo gaaray dalka Uganda (SAWIRRO)

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray Magaalada Kampala ee Xarunta Wadanka Uganda.

Madaxweynaha Somaliya ayaa Magaalada Kampala u tagay ka qaybgalka munaasabadda caleemo-saarka ee Madaxweyne Yoweri Museveni.

Qoraal lagu daabacay barta Villa Somalia ee Facebook ayaa lagu sheegay “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray Magaalada Kampala ee Caasimadda Dalka Uganda. Madaxweynaha ayaa ka mid ah Madaxda lagu marti qaaday munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Dalka Uganda, Mudane Yoweri Museveni.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalkaasi waxa uu kulan doceedyo la yeelan doonnaa hoggaanka dalkaas iyo Madaxda kale ee dhiggiisa ah ee ka soo qaybgelaya munaasabaddan, isaga oo kala hadli doona danaha wadajirka ah ee kala dhaxeeya dalkeena.

Wafdiga Madaxweynaha ee ka qaybgelaya munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Museveni waxaa ka mid ah Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xasan, Marwada Koowaad ee dalka Saynab Cabdi Macalin, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com