Magaalooyinka Al Shabaab maamusho oo maanta laga ciiday

Deegaanada Ururka Al Shabaab uu ka maamulo Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya ayaa maanta laga ciidayaa maalinta 1aad ee Ciidul Fitriga.

Warbaahinta afka Shabaabka ku hadasha ayaa xalay baahisay in Arbacada maanta ay ciid tahay, ka dib markii bilashada bisha Shawaal laga arkay sida ay sheegeen deegaano ka mid ah Gobolada Hiiraan, Gedo, Baay iyo Bakool.

Magaalooyinka Xarardheere, Ceeldheer, Ceelbuur, Sablaale, Jamaame, Jilib, Bu’aale, Saakow iyo deegaanada kale ee Al Shabaab ka arrimiso ayaa saaka laga tukaday Salaadda Ciidda.

Dadka ayaa Saladada Ciidda ku tukaday fagaareyaal ku yaala magaalooyinkaasi, iyadoona Saraakiisha Al Shabaab ay khudbado u jeediyeen dadkii soo xaadiray Jamaca Salaadda.

Tani ayaa ku soo aadaysa, xilli Dowladda Somaliya iyo inta badan wadamada Islaamka ay xalay iclaamiyeen inaanay maanta ciid ahayn, oo la kaamil yeeli doono 30-ka bisha Ramadan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com