Rooble oo shacabka ugu hambalyeeyay Munaasabadda Ciidda

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Ciidul Fitriga.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa shacabka ugu baaqay inay is caawiyaan, nabaddana laga shaqeeyo.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadda Islaamka ugu hambalyeynayaa Munaasabadda Ciidda Soonfur. Waxaan Eebbe ka baryayaa in uu nabad, caafimaad iyo horumar nagu gaarsiiyo sanadkan sanadkiisa. Ciid Wanaagsan.”

Muslimiinta dunida ayaa Khamiista ciidaya maalinta 1aad ee Ciidul Fitriga.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com