Wasiir Duraan oo sheegay inay layaabeen go’aanka Kenya ku joojisay duulimaadyada

Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada ee Somaliya, Duraan Axmed Faarax ayaa ka hadlay go’aanka Kenya ku joojisay duulimaadyadii labada dal isugu kala gooshi jiray.

Wasiirka ayaa sheegay inaanan lagu soo wargelin tallaabada Kenya ku joojisay duulimaadyada, marka laga soo taggo inay ka arkayn Warbaahinta oo keliya.

Wasiirka ayaa go’aankani ku tilmaamay mid deg deg loo qaatay, waana xilli sida uu sheegay uu ka soo reynayay xiriirka labada dal.

“Wuxuu noola muuqday go’aankaasi, go’aan deg deg loo qaatay, waxaan garan karnana muusan ahayn, waxaan is lahayn labada wadan xiriirkoodu wuu soo hagaagay.” Ayuu yiri Wasiirka oo la hadlay VOA.

Wasiirka ayaa yiri “Saakay uun baan ku soo toosnay waraaqdaan ay leeyihiin waxaa la mamnuucay duulimaadyadii ka imaanayay Muqdisho iyo kuwii tagaayayba.”

Duraan Axmed Faarax, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Somaliya ayaa muujiyay inay layaabeen go’aanka aan lagala tashan ee Kenya ku joojisay duulimaadyada.

“Run ahaantii waxaan ka sheegnaba garan mayno, waa wax nagu cusub, cid nagala hadashayna ma jirto, dhanka diblomaasiyadda iyo dhinac dowladeedba. Cid wax horudhac ah naga siisay inay samayn doonaan ma aynaan jirin, sidaad u aragteen uun baa uga aragnay Warbaahinta.” Ayuu yiri Wasiir Duraan.

Wasiir Duraan ayaa xusay in Kenya laga doonayay in arrinta ku aaddan qaadka laga wadahadlo, balse aanay ahayn inay joojiso safaradii dhanka cirka ee labada dal.

6-dii bishan ayay ahayd markii labada dowladood soo saareen Warmurtiyeed wadajira, oo ay ku sheegayeen inay dib u soo celiyeen xiirirkooda diblomaasiyadeed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com