Wasiirka Duulista oo la kulmay Guddiga Diyaaradaha ee Kenya xayirtay

Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada ee Somaliya, Duraan Axmed Faarax ayaa maanta la kulmay Guddiga Shirkadaha Diyaaradaha ee dalka, ka dib markii ay Kenya joojisay duulimaadyadii labada dal.

Wasiirka ayaa Guddiga kala hadlay hannaanka lagu wajahayo xaaladda soo korortay, iyadoo laga hortaggayo inaanay xayiraadaasi wax saamayn ahi ku yeelan Shirkadaha Duulimaadyada ee dalka ka hawlgala.

Wasiirka ayaa ballanqaaday in Dowladda Federaalka ay Maamulada Diyaaradaha kala shaqaynayso tallaabooyinka sahlaya inaanu saamayn go’aanka Kenya.

“Waxaan ballanqaadayaa in dowladda ay kala shaqaynayso ganacsatada diyaaradaha wax kasta oo u sahlaya inuusan go’aankan saamayn ku yeelan.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa qoraal ka soo baxay xafiiskiisa ku sheegay in Dowladda Federaalka ka go’an tahay in la horumariyo iskaashiga duulimaadyada ee wadamada gobolka.

Duraan Axmed Faarax, Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada ee Somaliya ayaa mar sii horeysay sheegay inaanan lagala tashan go’aanka ay Kenya ku xanibtay duulimaadyadii labada dal.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com